Dubai ( Sh. M. Network )-Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay gabi ahaan joojisay howlaheedii tababarada oo ay siin jirtay Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warka ka soo baxay dowladda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in howlaha tababarada oo ay soo bilowday 2014-kii  ay go’aansatay in ay si buuxda u joojiso.

Sidoo kale warkani ka soo baxay Imaaraadka ayaa lagu sheegay in ay Mushaaraad siin jirtay illaa iyo 2407 Askari oo ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ay dhiseen xarumo Tababar iyo Isbitaalo intaba.

Waxaana intaasi ay ku dartay dowladda Imaaraadku in ay Soomaaliya u soo dirtay  Dawooyin iyo Dhaqaatiir, kuwaasi ay uga talagaleen in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xumaanayay marba marka ka dambeysa, iyadoona dhawaan deegaanada Puntland ay isaga baxeen saaraakiishii Imaaraadka ee ku sugnaa halkaasi.