Nairobi ( Sh. M. Network )-Dowladaha Ingiriiska iyo Kenya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada uu Ingiriiska siiyo Ciidamada Kenya oo dagaallo kula jira Xarakada Al Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhidga ee dalka Ingiriiska ayaa dhawaan magaalada Nairobi kulan kula qaatay wasiirada gaashaandhiga ee dalka Kenya Raychelle Omamo

Waxaana labadaasi mas’uul ay ka wada hadleen sidii dowladda Ingiriiska ay tababaro dheeraad ah u siin laheyd Ciidamada milateriga ee dalkaasi, si sare loogu qaado dagaalka Al Shabaab.

Mr Mark Lancaster wasiir ku xigeenka gaashaandhigGa ee dalka ingiriiska ayaa xusay in kenya ay ka taageerayaan tababarida ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl alka AMISOM ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa safaro ku tagay dalal dhowr ah oo ku yaala bariga Qaaradda Afrika.

Mark Lancaster ayaa todobaad ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan howlgalka AMISOM iyo Madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.