London ( Sh. M. Network )-Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa muwaadiiniinta dalkaasi uga digtay in ay u safraan Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa lagu sheegay in Soomaaliya xilligani ay ka jirto qatar amni.

Ingiriiska ayaa tilmaamay in muwaadiniintiisa, haddii ay tagaan Soomaaliya ay la kulmi karaan weeraro argagixiso iyo Afduub intaba.

Digniintan ayaa ku wajahan guud ahaan Soomaaliya oo ay ka mid tahay Soomaaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Bebera.

Ugu dambeyn Ingiriiska ayaa muwaadiniintiisa ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, haddii ay qatar dareemaana ay la xiriiraan safaaradooda Soomaaliya.