Tehran ( Sh. M. Network )-Dowladda Iran ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xariga ku dhawaad labaatan ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha Dooni kaluumeysi oo dhawaan lagu xiray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Iran ayaa xariga kaluumeysataasi ku tilmaantay mid sharci daro ah, iyadoo sheegtay in Doonidaasi ay ka kaluumeysanaysay meelo ka baxsan Biyaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iran ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa maamulka Puntland ayaa toogteen Kabtankii Doonidaasi, islamarkaana ay dhaawaceen ruux kale oo ka tirsan shaqalaaha Doonta la wareeraray.

Waxaana uu intaasi ku daray in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qaadeen tallaabo khaldan, isaga oo xusay in ay hareer mareen shuruucda caalamiga ah ee Kaluumeysiga Badaha Caalamka.

Sarkaal u hadlay ciidamada Badda ee maamulka Puntland ayaa sheegay in dhawaan ciidamadooda ay Xeebaha Soomaliya ku dileen Kabtan u dhashay dalka Iran, kaas oo si sharci daro ah ugu kaluumeysanayay Biyaha Soomaaliya.

Doonta kaluumeysi iyo dhamaan shaqaalihii la socday ayaa waxaa lagu hayaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari