Cadaado ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Jidgooyooyin hor leh saacadihii la soo dhaafay la soo dhigay duleedka M/ Cadaado ee gobolkaasi.

Isbaarooyinkan ayaa saameyn xoogan ay ku yeesheen Gaadiidka xamuulka ah ee isaga kala goosha gobollada dhexe ee dalka.

Waxaana la sheegay in Gawaari fara badan ay ku xayiran yihiin duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee maamulka ayaa lagu soo warramayaa in howlgallo ka dhan ah Isbaarooyinkaasi ay ka wadaan gobolkaasi.

Ciidamada iyo maleeshiyaad hubeysan oo Isbaaro u tiilay deegaanka Godinlabe ayaa la sheeegay in Xalay iska hor imaadka uu ku dhexmaray deegaankaasi, waxaana dagaalkaasi ku dhintay mid ka mid ahaa Raggii ay u tiilay Jidgooyadaasi.

Weli GalmuduĀ  ayaa wada dadaalo looga hortagayo Isbaarooyinkaasi, si aysan markale dhibaatooyin amni uga dhicin gobolkaasi.