Muqdisho ( SH. M. Network )-Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf aya Shabelle uga warbixiyay tirada dadkii ku soo dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo la geeyay Isbitaalkaasi.

Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 15 dhaawac ah la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee M/ Muqdisho iyo sidoo kale lix Meyd ah.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sidoo kale tilmaamay in 4 ka mid ah dhaawacyadaasi ay ahaayeen kuwa fudud, dibna loo celiyay, kadib markii loo fidiyay howlo caafimad, halka 11 ka kalena la seexiyay Isbitaalka.

Sidoo kale mar ay Shabelle wax ka weydiisay Agaasime Maxamed Yuusuf in ay jiraan dhaawacyo halis ah ayaa waxa uu xusay in dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa daran.

Dhinaca kale xiriiro kala duwan oo aan la sameynay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay jiraan dhaawacyo kale oo la gaarsiiyay Isbitaalladaasi.

Waa qaraxii labaad oo lsmiidaamin ah oo 2 todobaad gudahood lagu weeraro qaar ka mid ah xarumah degmooyinka gobolka Banaadir.