Gaalkacyo ( Sh. M. Ntwork )-Taliska booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa faah faahin ka bixiyay Israsaaseyn khasaaro geysatay oo maanta ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana Israsaaseyntan ay dhexmartay kooxo hubeysan oo aan weli la garan sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee magaaladaasi Gaalkacyo.

Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug Maxamuud Cilmi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in israsaaseyntaasi uu ku dhaawacmay 1 qof shacab ahaa, islamaraakaana haatan xaaladu ay dagan tahay

Waxaana uu intaasi ku daray in saraakiisha ammaanka ee maamullada Galmudug iyo Puntland ay ka wada hadleen arrimaha Nabad galyada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Inta badan isku dhacyo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ka dhaca bartamaha Magaalada Gaalkacyo oo ay ku wada suganyihiin ciidamo ka kala tirsan maamulladaasi.