Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Galabta israsaaseyn xoogan waxa ay ku dhexmartay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Israsaaseyntan ay timid kadib muran ka dhashay Dhul ku yaalla Xaafadda Cali Geedi ee Degmadaasi Kaaraan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse waa markii 2 aad oo ay Israsaaseyn Ciidamo ka wada tirsan Dowladda ku dhexmarto Xaafaddaasi.

Dhinaca kale waxaa goor dhow Iska Hor Imaad xoogan Ciidamo ka wada tirsan Dowladda uu ku dhexmaray qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacantay Israsaaseyntaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Waxaana la sheegay in Iska Hor Imaadkan uu yimid, kadib markii la’isku qabsaday Guryo Dowladeed oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan Iska Hor Imaadyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Balse inta badan Ciidamada Dowladda ayaa isku Rasaaseeyay gudaha Muqdisho, taas oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka Banaadir.