Tukaraq ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in markale Barqanimadii maanta dagaallo goos goos ah ay ka dhaceen deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.

Dagaalladan ayaa la sheegay in la’isku adeegsaday Hubka culus iyo sidoo kale kan fudud intaba.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladaasi, iyadoona weli ay aad u xun tahay Hawada Isgaarsiinta deegaankaasi.

Warar hoose oo ay heleyso Shabelle ayaa ku warramaya in labada dhinac ay ku kala sugan yihiin duleedka Tukaraq, islamarkaana dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan halkaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo ka kala tirsan labada maamul ee S/land iyo Puntland ayaa la xaqiijiyay in saacadihii la soo dhaafay ay gaareen jiida hore ee dagaalka.

Xiisada ayaa ah mid kacsan, iyadoona dagaalladaasi ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.