Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta la sameeyay Isku aadka Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo ay ku tartamayaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Illaa iyo 16 degmo ayaa isa soo diiwaan galiyay, kuwaas oo diyaar u ah in ay soo bandhigaan Heerkooda Aqooneed.

Guddoomiyaha guddiga Tartan Aqooneedka Idaacadda Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale ayaa ku dhawaaqay, sida ay isku arki doonaan degmooyinka Sanadkan ka qeyb galaya Tartanka.

Waxaana uu sheegay in illaa 4 Group loo qeybiyay degmooyinka, islamarkaana Group walba ay ku wada jiraan illaa iyo 4 degmo.

Sidoo kale inta uu socdo Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa jiri doona su’aalo dhextaal ah oo loogu tala galay dadweyanaha.

Dhageystihii ugu Jawaab badnaada ayaa ku guuleysan doono Abaal baarin tan ugu qaalisan, taas oo ah in la geeyo Xajka.

Waxaana qarashaadka ku baxa bixin doonta Jaamacadda Jobkey oo Sanadkan taaba galineysa Barnaamijka Tartan Aqooneedka Shabakada Warbaahinta Shabelle.

Shabelle ayaa ah Idaacaddii ugu horreysay oo bilowda Tartan Aqooneedka degmooyinka dalka ee la qabto Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waana Tartanka ugu xiisaha badan Tartamaada la qabto Bisha Ramadaan, iyadoona Sanadkan ay Abaal mariin qaali ah ku bixin doonto Jaamacadda Caalamiga ah ee Jobkey.