Wajeer ( Sh. M. Network )-Ugu yaraan 224 Dugsi Hoose iyo 42 Dugsi Sare oo ku yaalla magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya ayaa lagu wadaa in la xiro, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Macalimiintii wax ka bareysay.

Bixitaanka Macalimiintaasi oo aan u dhalan deegaanka ayaa ka dambeysay, kadib weerar bishii hore lagu qaaday Dugsi ku yaalla magaalada Wajeer, halkaas oo lagu dilay saddex Macalin oo Kenyan ahaa.

Go’aanka lagu xirayo Dugsiyadaasi ayaa yimid, kadib shirar ay yeesheen madaxda Iskuuladaasi iyo dadka daneeya dhinaca waxbarashada ee ku dhaqan magaaladaasi Wajeer.

Banaanbax dhawaan ka dhacay Wajeer oo ya ka soo qayb galeen kumanaan ruux oo isagu jiray Ardeyda Dugsiyadaasi, Waalidiin iyo qaar ka mid dadka u ololeeya waxbarashada ayaa waxa ay dalbadeen in guddiga Macalimiinta ee Kenya ay dib usoo celiyaan Macalinimiinta dhawaan ka tagay Dugsiyadaasi.

Illaa 10,000 oo Ardeyda ah waxka barta Dugsiyada deegaanada hoos yimaada Wajeer ayaa waxaa soo wajahday waxbarasho la’aan.

Waalidiinta gobolka Waqooyi Bari ayaa Guddiga Macalimiinta ee dalka Kenya ku eedeeyay in ay sababa u yihiin in ay xirmaan boqolaal Dugsi oo ku yaalla gobalkaasi.

Loyfor Kibaara oo ka tirsan saraakiisha amniga ee magaalada Wajeer ayaa sheegay in ammaanka deegaanada hoos yimaada magaaladaasi ay hada wanaagsan tahay, isagoo intaaasi ku daray in dhawaan ay halkaasi geeyeen illaa iyo 260 oo Askari oo ka tirsan Ciidamada booliiska ee dalka Kenya