Muqdisho ( Sh. M. Network)-Israsaaseyn u dhexeysay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa Caawa waxa ay ka dhacday Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Iska Hor’imaadka uu ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida oo galbinayay Gaadiid Aroos Siday iyo Ciidamo kale oo howlgal baaritaanno ah ka waday Nawaaxiga Saldhiga Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynleey.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in inta la xaqiijiyay uu  1 qof ku dhintay islamarkaana ay jiraan dhaawacyo ka dhashay iska hor’imaadkaasi.

Ma jiro wax war ah oo Maamulka degmada Dharkeynleey iyo Saraakiisha Ammaanka degmadaasi ay ka soo saareen israsaaseyntaasi.