Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa waxuu ka hadlay  owlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Hailemariam Dessalegn ayaa waxuu tilmaamay in dhaqaale uu u baahan yahay howlgalka AMISOM.

Waxaa uu xusay in muhiim ay tahay in dhaqaalahan lagu helo sida ugu dhaqsiyaha badan, maadaama uu qeexay in dhawaan uu Golaha Ammaanka ay muddo kordhin u sameeyeen howlgalka AMISOM.

Mr. Hailemariam Dessalegn ayaa shaaciyay in Xarakada Al Shabaab ay u muuqdaan kuwa la wiiqay, waxuuna carabka ku adkeeyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM ay mudan yihiin in lagu amaano howlahooda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in muhiim ay tahay in gacan bir ah lagu qabto cid walba oo dhibaato ku heysa horumarka Dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu dambeyn, sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu qorsheynayo qabashada kulan looga hadlayo arrimaha Nabad Ilaalinta ee Afrika.