Qaahira ( Sh. M. Network )-Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigoodu yahay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar Dr Ahmed Abu Kheyd ayaa ugu horreyn Tacsi u diray Ehelladaii iyo Qaraabadii ay dadkoodu ku geeridoodeen weerarkaasi.

Waxaana uu xusay in Jaamacadda Carabtu ay si aad uga xun tahay Weerarada aalaaba ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Abuu Kheyd ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay wado qorshe ay uga qeyb qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Dalka uu u yeelan lahaa ciidamo hanan kara ammaanka Dalkooda, kuwaas oo badala cidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya

Waxaana uu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay xoojiyan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka, si loo dhiso hay’adaha dowliga ee Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa Xubin ka ahayd Jaamacadda Carabta tan iyo 9 bishii Septemper 1974 kii.