Dahraan ( Sh. M. Network )-War murtiyeed ka soo baxay kulankii 29-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dahraan ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Jamaacadda Carabtu ay xoojineyso taageerada ay dowladda Soomaaliya ka siiso dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab, si ay dalka uga dhalato nabad iyo xasiloooni waarta.

Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu xusay in Jaamacadda Carabta ay Soomaaliya ka caawineyso dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah, si uu dalka ugu talaabsado hormar dhaqaale, islamarkaana looga gudbo caqabadaha jira.

Jaamacadda Carabtu waxaa sidoo kale ay sheegtay in dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Comroms ay gacan ku siineyso dadaalada ay ku doonaayan in looga cafiyo deymaha culus ee lagu leeyahay dalalkaasi.

Hadalkan ayaa ka soo aadaya, xilli weli Soomaaliya ay ka jiraan dagaallo u dhexeeya Al Shabaab iyo Ciidamada oo garab ka helaya kuwa AMISOM.