Jabuuti ( Sh. M. Network )-Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamo kale oo cusub u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

General Zakariye Sheekh Ibraahim taliyaha ciidamada milateriga Jabuuti ayaa sheegay Ciidamadan ay u soo dirayaan Soomaaliya ka codsatay dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay si gaar ah uga howlgali doonaan Magaalada Cadaado.

Ciidamadan ayaa soo dhameystay tababar in muddo ah u soconayay, waxaana dhawaan ay soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay uga sii gudbi doonaan Cadaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa dhawaan booqasho ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya, oo uu kala soo hadlay sidii garab looga siin lahaa dagaalka dowladda ay kula jirto Al Shabaab.

Jabuuti waxaa Soomaaliya ka jooga Kumannaan Askari oo ka howlgal deegaannada Gobolka Hiiraan, iyaga oo saldhigooda ugu ballaaran Soomaaliya ku leh Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolkaasi.