Muqdisho (SMN) – Safaarada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday taageero dhaaraad ah oo ay siinayaa Booliska dowlada federaalka ah ee Somalia.

Mas’uul sare oo u hadlay safaarada ayaa shaaciyay inay bixinayaa 8-milyan oo Yuuroo si loogu kabo dadaalada dowladda ee ku aadan tayeenta iyo xoojinta Booliska.

“Way naga go’an tahay taageerida Booliska Soomaaliya si wadanka dib u helo xasilooni amni, nabad iyo deganaansho,” ayuu yiri mas’uulka oo u waramay warbaahinta.

Booliska Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku socda dib-u-dhis balaaran iyada oo la sheegay inay kamid tahay qorshayaasha waawayn ee madaxda dowlada ay doonayaan in ay fuliyaan sanadkaan.