Amman ( Sh. M. Network )-Iyagoo ka qeyb galayay kulankii 35-aad ee wasiirada arrimaha gudaha dalalka Carabta oo ay martigalisay Sanadkani dowladda Algeria ayaa waxaa kulan gaar oo barbar socday shirkaasi yeeshay Wasiirka aminga ee dowladad federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka arrimaha gudaha dalka Jordan Samir Mobaidiin.   .

Labada mas’uul aya ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xariirka 2-da dal  iyo iskaashi dhanka aminga oo dhexmara dalalka Soomaaliya iyo Jordan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkaasi Mr Samir ayaa ballan qaaday in Jordan ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya dhibaatooyinka dhanka amniga ah ee heysta iyo in ay DFS ka caawiyaan barnaamijyo cusub, kuwaasi oo wax loga qabanayo caqabadaha amniga ee xilligani ka taagan Soomaaliya.

Dhankiisa wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa tilmaamay in shirka wasiirada arrimaha gudaha ee dalalka Carabta uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, islamarkaana xooga lagu saari doono sidii dalalkaasi ay iskaga kaashan lahaayeen caqabadaha amini ee ka jira guud ahaan gobolka.

Shirka oo ah mid Sanadle ah ayaa waxaa Sanadkani lagu qabtay dalka Algeria, iyadoona inta uu socday diirada lagu saaray qodobo dhowr ah oo  ay ka mid ahaayeen arrimaha ammaanka.