Kismaayo ( Sh. M. Network )-Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi in ay kala shaqeeyaan amniga iyo sidoo kale is dhexgalka bulshada.

Mr Sayid Aadan ayaa xusay in loo baahan yahay in la dardar galiyo howlaha lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Jubbaland.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan amniga iyo horumarka gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli inta badan weeraro qorsheysan Al Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannadooda.