Dhoobley ( Sh. M. Network )-Taliyaha saldhiga booliska ee deegaanka Dhoobley ee  goobolka Jubbada Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen 2 Ajaaniib oo  ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Waxaana uu tilmaamay in Raggaasi ay ka qabteen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Raggani ay ku wajahnaayeen  Kenya, islamarkaana ay damacsanaayeen in weerar ay ka geystaan dalkaasi.

Waxaana uu  sheegay in ay u kala dhasheen dalaka Kenya iyo Tanzania, isagoona xusay in haatan baaritaano xoogan ay ku hayaan Raggaasi.

Al Shabaab ayaa ku xoogan deegaanada Jubboyinka, waxaana la sheegaa in ay ka bar bar dagaalamaan Ajaaniib kala duwan oo u dhashay dalal shisheeye.