Baardheere ( Sh. M. Network )-Xilli dhawaan diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeyn dhanka Cirka ah ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay duqeymahaasi waxaa ka hadlay maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanka Tarako oo qiyaastii 60 KM u jira Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, isagoona intaasi raaciyay in duqeyntaasi ay dad shacab ku waxyeeloobeen, islamarkaana xoolo badan ay ku baabe’een.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay falkaasi, isagoona carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in baaritan deg deg ah ay ku sameyso duqeymahaasi.

Inta badan Gobolka Gedo waxaa duqeymo aan loo meel dayin ka fuliya diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya, kuwaas oo ay khasaaro ka soo gaarto dadka shacabka ah ee ku dhaqan Gobolkaasi.