Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in taliyihii saldhigga Booliska degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil laga soo masaafuriyay Gobolkaasi, iyadoo looo soo masaafuriyay Magaalada Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur “Janan” uu bixiyay amarka Gobolka Gedo looga soo masaafuriyay taliyihii degmada Luuq ee Gobolkaasi Diyaad Cabdi Kaliil.

Illaa iyo hada lama oga sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya in taliyahaasi laga soo masaafuriyo Gobolkaasi Gedo, kaas oo diyaarad laga soo saaray degmada Doolow.

Sidoo  kale wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland, gaar ahaan Wasaaradda Amniga ay qorsheeneyso in saraakiil kale oo katirsan ciidamada dowladda ay ka soo masaafuriso Gobolkaasi Gedo.

Si kastaba madaxda Jubbaland ayaa horay saraakiil ka tirsan maamulkaasi uga masaafuriyay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.