Kismaayo ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa maanta xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan maamulkaasi, kaas oo shalay si kulul uga hadlay gabar dhawaan si arxan darro ah loogu dilay magaalada Qabridahar ee dhulka Soomaalida Itoobiya, taas oo lagu magacaabayay Taysiir Food Cumar Maxamed Salal.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Mukhtaar Badal Gaboose ayaa baahiyay Muuqaal oo uu kaga hadlayay dhacdadaasi oo la sheegay in ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis.

Waxaana uu ku eedeeyay dilkaasi Qabiil gaar ah, isaga oo fariin hanjabaad ah u diray shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.