Qansaxdheere ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Baay Isaaq Cabdi Maxamuud oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolkaasi.

Dagaalkan aya yimid, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 3 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay.

Guddoomiye Isaaq ayaa tilmaamay in Ciidamada huwantu ay guulo ka gaareen dagaalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.