Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidamada Dowladda Kenya ayaa Saacadihii la soo dhaafay Xabsiga dhigay in ka badan 30 Qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ku sugnaa dalkaasi.

Waxaana la sheegay in Ciidamadu dadkaasi ay ka soo qab qabteen deegaanada Shariif, Biyo Madow iyo Bajanbuula oo dhaca Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa dadkani ku eedeeyay in ay si sharci darro ah ku galeen gudaha dalkaasi.

Waxaana intaasi ay ku dareen saraakiishu in dadkaasi la soo taagi doono Maxkamad, dibna loogu celi doono Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday deegaanada Xadka, kadib markii Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku fuliyaan gudaha dalkaasi.