Muqdisho ( Sh. M. Network )-Munaasabadd dib loogu howlgalinayay Kawaanka Malaayga ee degmada Xamarweyne ayaa maanta lagu qabtay degmadaasi.

Waxaana ka qeyb galay Munaasabadda mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed C/laahi Maxamed “Tuulax” gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Basma Cumar Shakeete, guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg iyo marti sharaf kale .

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/laahi Cumar Abshirow oo xariga ka jiray dhismaha Kawaanka Malaayga ee Xamarweyne ayaa sheegay in ay muhiim thay in Canshuuraha laga qaado Ganacasatada qeyb ka mid ah lagu soo celiyo nadaafadda Kawaanka.

Waxaana uu dhaliilay maamulkii hore ee g/ Banaadir, isaga oo ku eedeeyay in ay iska qaadan jireen Canshuuraha, iyagoo aan waxba ugu qaban Ganacsatada.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.