Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wakiilka gaarka ah ee QM u qabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa ku baaqay in si dedeg ah loo joojiyo dagaalka ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Mr Keating ayaa ku booriyay dhinacyada Soomaaliland iyo Puntland in ay hakiyaan colaadaasi, islamarkaana ay wax weliba ku dhameeyaan wada hadal.

Waxaana uu tilmaamay in dagaalkaasi ay ku barakaceen dad badan oo Rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ugu dambeyn Mr Keating ayaa bogaadiyay dadaalada ay wadaan waxgaradka labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadaasi.