Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay dib u eegista ay baarlamaanka Soomaaliya ku sameynayaan Xeerka Saxaafadda dalka, waxuuna sheegay in xildhibaanada looga fadhiyo in ay waajibkooda ka gutaan sharcigaas, islamarkaana ay wax ka badal ku sameeyaan qoddobadda caburinayo Warbaahinta Madaxa Banaan .

“In la helo Warbaahin xor ah oo Madax Banaan waxay lagama maarmaan u tahay Dimoqoraadiyadda iyo isla xisaabtan dhab ah oo ka hirgala Soomaaliya ayuu yiri Michael Keating u qaabilsanaha QM ee arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay haddii la meelmariyo Sharcigan in Wariyayaasha Soomaaliyeed ay shaqadooda ugudan doonaan, si aan cabsi lahayn.

Sharciga Saxaafadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxa uu hada horyaalaa xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in  ay ka doodaan Xeerkaasi toddobaadyada soo socdo, islamarkaana ay ka saaraan qoddobo la sheegay in ay caburinayaan Warbaahinta Madaxa Banaan ee Soomaaliya.