Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ergayga gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Meachel Keating oo ka hor hadlayay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weli ay jirto Awooda Xarakada Al Shabaab.

Mr Keating ayaa xusay in loo baahan yahay in Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Africa lageeyo Soomaaliya, si  looga guuleysto Al Shabaab.

Waxaana sidoo kale uu hoosta ka xariiqay in Al Shabaab lagu sameeyay wax kaste oo Awoodooda lagu wiiqayo, sida Cunaqabateynta Dhaqaalaha iyo Duqeymaha xoogan ee lagu weeraro, balse aysan weli dhamaanin.

Wakiilka gaar ka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Meachel Keating ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay hanaan milateri iyo mid siyaasadeed oo lagula dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyn waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay Dhaqaale dheeraad ah oo lagu kabo howlgalka AMISOM, kaas oo ay hadda soo wajahday Dhaaqle xumo baahsan.