Nairobi ( Sh. M. Nrtwork )-Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa amar ku bixisay in gacanta lagu soo dhigo rag la sheegay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu doonayey in lagu qaado magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.

Qaadiga maxkamadDa ayaa sheegay in raggaasioo ka tirsan Al Shabaab ay doonayeen in weeraraan Maxkamadda Milani ee magaalada Nairobi, si ay u soo badbaadiyaan wadaad lagu eedeeyay Al Shabaabnimo oo ay hore u soo qabteen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa ku eedeeyay Wadaadkaasi oo la yiraahdo Sheekh Guyo Gorsa iyo Ragga la doon doonayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab oo xiriir la leh Ururka Al Qaacida.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka careysanaa xariga wadaadkaasi ayaa weerar ku qaaday dhismooyinka Kaniisado ku yaalla magaaladaasi.

Booliska ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarka Al Shabaab ay ku doonayeen in ay ku qaadaan magaalada Nairobi, iyagoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaari siday walxaha qarxa oo culeyskooda dhamaa 80 Kilogram.