Nairobi ( Sh. M. Network )-Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay burburiyeen Seddex fariisin oo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay ku lahaayeen Keymaha Boni, gaar ahaan galbeedka Magaalada Lamu.

Madaxa howlgalka keymaha Boni Joseph Kanyiri oo ka hadlayey kulan ku saabsan dhinaca amniga ayaa sheegay in burburinta fariisamaha Al Shabaab ay fuliyeen ciidamada Milatariga iyo kuwa booliska ee dalkaasi.

Mr kanyiri ayaa xusay in goobahaasi ay Al Shabaab ka soo qaadi jireen weeraro qorsheyn oo ay la bartilmaameedsadaan gadiidka u safra Magaalo xeebeeka Lamu ee dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa waxaa dhawaan wadadaasi ay ku dileen dad rayid oo ka mid ahaa rakaab gadiid halkaasi ku safrayey.

Joseph Kanyiri ayaa sheegay in burburinta fariisamada Al Shabaab ee Keymaha Boni ay kor u qaadi doonto amniga iyo xisiloonida deegaanadaasi oo ay horay ammaan daro uga jirtay.