Marsabit ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Waalidiinta ku dhaqan magaalada Marsabit ee dalka Kenya ayaa dowladda ka dalbaday in ay ka hortagaan dhalinyarada reer Kenya ee ku biirta Xarakada Al Shabaab.

Waalidiinta ayaa sheegay in Sanadihii la soo dhaafay ay kordheen dhalinyarada u dhashay Kenya oo ku biira Al Shabaab, iyagoo sheegay in jiraan dhalinyaro badan oo la la’yahay halka ay ku dambeeyeen.

Qaar ka mid ah Waalidiinta deegaanada hoos yimaada magaalada Barsabit ayaa sheegay in Caruurtooda ay xagjireen illaa iyo 5 Sheekh oo ku nool deegaanadooda

Culumadaasi ayaa la sheegay in ay booqdaan qaar ka mid ah Dugsiyada ku yaalla deegaanadaasi, iyagoo halkaasi ka bixiya duruus ay ku soo jiitaan.

Dowladda Kenya ayaa todobaadkii hore sheegtay in ay diiwaan gelisay illaa 35 dhalinyaro oo ka soo jeeda magaalada Mandera oo ku biiray Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay dooneyso in ku dhaqan celineyso dhalinyaro reer Kenya oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen Al Shabaab, kuwaas oo soo gaara deegaano ka tirsan kenya