Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidanka amaanka dowladda Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Afar ruux oo ka soo jeeda dalka Burundi, kuwaas oo ku soo jeeday Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Xarakada Al Shabaab.

Kenya waxa ay sheegtay in afarta ruux laga qabtay Magaalada Isiolo oo 285 KM u jirto Magaalada Caasimadda ee Nairobi.

Xubnaha la qabtay ayaa ka soo socdaalay Magaaalada Bujambuura ee Caasimadda dalka Burundi, waxa ayna dalka Kenya ku galeen qaab dalxiisayaal ah.

Afarta ruux ee la xiray oo dhamaan Rag ah ayaa lagu kala magacaabaa Ntakarutimana Benerd oo 41 jir ah, Niyongere Yusuf oo 32 jir ah isaguna, sidoo kale Nshirimana fulujensi 31 jir ah iyo Bisosa Abderauf oo 20 jir ah.

Sarkaal ka tirsan waaxda Sirdoonka Kenya oo magaciisa qariyay ayaa tilmaamay in Raggan lagu daba jiray, ugu danbeyna ay cadaatay in qorshahooda uu yahay u talaabidda dhinaca Soomaaliya.

Bishii June ayey ahayd markii ay dowladda Kenya ay xirtay muwaadiniin dalkeeda ka soo jeeda oo tiradooda ay gaaraysay ilaa 5 xubnood, kuwaas oo ay ku eedeysay in ay u soo safrayeen Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan Xarakada Al Shabaab.