Nairobi ( Sh. M. Netwok )-Milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in ay si weyn ugu feejigan yihiin weeraro Al Shabaab ay ku qaadaan saldhigyada Ciidamadooda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Kenya ayaa xustay in casharo ay ka barteen weerarkii 15 january Sanadkii 2016-kii Al Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobalka Gedo, halkaasi oo kenya looga dilay boqolaal Askari.

Afhayeenka Ciidamada milateriga ee dalka Kenya Col David Obonyo ayaa sheegay in labo Sano kadib weerarkii khasaaraha badan geystay ee Ceel Cadde ay Ciidamadooda ka gaashaanteen weeraro kale oo ay ku soo qaadaan Al Shabaab.

Mr Obonyo ayaa xusay in Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay sameeyaan dhaq dhaqaaq,  si ay isaga ilaaliyaan in weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadan Al Shabaab.

Waxaana uu intaasi ku daray in Ciidamadooda ay difaacyo xoogan ka sameystaan goobo ka baxsan saldhigyadooda

Weerarkii Ceel Cadde kadib ayaa waxaa Ciidamada Kenya ay saldhigyo ka sameysteen magaalooyinka Badhaadhe, Sariire, Busar, Kulbiyow iyo Ceelwaaq oo ku dhaw Xadka Kenya.

Ugu dambeyn Afhayeenka milateriga Kenya ayaa sheegay in Ciidamadooda ay fashiliyeen dhowr weerar oo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay isku dayeen in ay ku qaadaan saldhigyo Ciidamada kenya ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.