Nairobi ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay isbadal ku sameysay ammaanka Dugsiyada Waxbarasho ee ku yaalla deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay ay isaga carareen Macalimiinta halkaasi wax ka baraysay.

Guddiga Macalimiinta ee dalka Kenya ayaa dib u howl galiyay Macallimiin hore ugu baxsaday weerarada Al Shabaab, gaar ah deegaanada Huluuqa, Fafi, Ijara iyo Dhadhaab oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.

Macallimiin badan ayaa bishii hore laga badelay magaalooyinka Mandera iyo Wajeer, kadib weerar Al Shabaab ay 2 Macallin ku dileen magaalada Wajeer ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah Macallimiinta aan deegaan ahaan ka soo jeedin gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa si aad ah ugu cabanaya weerar ay ku bartilmaameedsadaan Al Shabaab, iyagoo intaasi ku daran in aysan qaadaan mushaar ku filan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Denya ayaa sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay wax ka qabteen ammaanka Macalimiinta ee deegaanad ku dhaw xadka Soomaaliya.

Dugsyo waxbarasho oo ku yaalla gobolka xeeta iyo Waqooyi Bari ayaa weli xiran sababa la xiriira dhinaca ammaanka, iyadoo macallimiin badan oo Dugsiyadaasi ka how galayay ay dalbadeen in loo wareejiyo deegaano ka ammaan roon goobaha ay ka howlgalaan.