Garissa ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa si weyn u soo dhaweeyay qorshaha ay dowladda ku xoojineyso ammaanka xadka Soomaaliya.

Siyaasiyiintaasi ayaa dowladda Kenya ku bogaadiyay isbadalka cusub ee ay kaga hortageyso weerarada Al Shabaab ay ku qaadaan deegaano badan oo ku yaala gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Xiriiryaha gobolkaasi Maxamed Birik ayaa dhawaan sheegay in gabogabo ay mareyso qorshaha illaa iyo lixdan goobood lagu gaarsiinayo Ciidamo gaar ah oo ka hortagayo halista weerarada Xarakada Al Shabaab.

Mr Birik ayaa xusay in ujeedka ugu weyn ee loo diyaarinayo Ciidamadaasi ay tahay sidii loo yareen lahaa ammaan xumida ka jirta deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobillada Waqooyi Bari iyo Xeebta.

Safiyo Cabdi oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya, lagana soo doorto Garissa ayaa sheegtay in tallaabada lagu sugayo amniga xadka Soomaaliya ay tahay mid wax badan looga qaban karo weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah gobolka.

Boqolaal Qoys ayaa sanadkan ka cararay deegaano ku yaalla xadka Soomaaliya, kadib markii ay sare u kaceen weerarada Al Shabaab ay ku qaadaan gudaha dalkaasi.