Afgooye ( Sh. M. Neetwork )-Wararka naga soo gaarayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax Miino halkaasi lagula eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana sidoo kale dhaawcyo ay ka soo gaareen ciidamada dowladda sida uu Shabelle u xaqiijiyay Cabdisalaan Maxamed guddoomiye ku xigeenka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxa uu sheegay in qaraxa uu ka dhashay Miino wadada dhinaceeda la dhigay, taas oo lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda oo la sheegay in ay ka soo baxeen garoonka diyaaradaha deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jirto ilaa iyo haatan wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ciidamada dowladda ka bixiyeen qaraxaasi Miino ee ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Balse kolonyada ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee isticmaala wadadaasi ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah la kulma, kuwaas oo ay masuuliyadoodu sheegtaan Xarakada Al Shabaab.