Baraawe ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo Saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Baraawe iyo deegaanka Buula Mareer, xilli halkaasi ay ku socdaalayeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ka howlgala Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi.

Balse Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaana Bartooda Internet-ka ay ku shaaciyeen in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen ciidanka AMISOM, sidoo kalena ay gubeen mid ka mid ah Gawaarida dagaalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada AMISOM oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.