Mandera (Sh.M.Network)-Koox hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa Weerar dhabo gal ahaa ku qaaday gaadiid marayay Deegaano ka tirsan Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyo Bari ee Dalka Kenya .

Isku duwaha Gobolka Waqooyi Bari, Maxamuud Saalax ayaa sheegay in Gawaarida la beegsaday ay la haayeen Dad shacab ah, wuxuuna weerarkaasi ku eedeeyay Xarakada Al Shabaab.

Waxaa Maxamuud Saalax uu carabka ku adkeeyay in raggii ka dambeeyay weerarkaasi ay afduubteen 3 Gaari oo mararay Deegaanka Cumar-Jilacoow oo dhaca Magaalada Mandera.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu qeexay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi, marka laga raabo afduubka lagula dhaqaaqay Gaadiidkaasi.

Isku duwe Maxamuud Saalax ayaa tilmaamay in Ciidamo ka tirsan Booliska iyo kuwa amaanka ay u dhaqaaqeen halka uu falkaasi ka dhacay, islamarkaana ay soo celin doonaan gawaaridaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayey aheyd markii Xarakada Al Shabaab ay soo bandhigeen Gaadiid ay ka qafaasheen Degaano dhaca Magaalada Mandeera, kaasi oo loogu ololeynayay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dalkaasi Kenya.