Muqdisho ( Sh. M Network )-Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Barqanimadii maanta Qof shacab ahaa ku dilay nawaaxiga Ex Koontarool ee Magaaalda Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu ahaa Darwal ka shaqeyn jiray gawaarida dadweynaha.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan faah faahin ka bixiyay baaritaanadaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilal qorsheysan, iyadoona Xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda lagu dilay degmada Waabari ee G/ Baanadir.

Illaa iyo hadana ma jirto wax faah faahin oo ay saraakiisha Laamaha Ammaanku ka bixiyeenm dilalkaaasi.