Muqdisho ( Sh.M.Network):-Wararka aan ka heleyno degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir ayaa ku soo warramaya in Kooxo Hubeysan ay Caawa ku dileen Xaafadda Suuqa Boocle ee degmada Dharkeynleey Cali Nuur Shuute oo ah Aabaha Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawac loo qaaday kadib weerarkaasi ay fuliyeen Kooxaha Bastooladleyda.

Walow inta badan dadka deegaanka ay sheegeen in uu Geeriyooday Marxuum Cali Nuur Shuute oo dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute.

Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com.