Gaalkacyo (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay Kooxo hubeysan ay dil iyo dhaawac ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Dilka ayaa la sheegay in loo geystay nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray C/qani Maxamed Baalle, kaas oo ka mid ahaa waxgaradka magaaladaasi.

Sidoo kale raggani hubeysnaa ayaa dhaawacay wiil uu dhalay nabadoonkaasi, iyagoona si aayar ah goobta uga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, iyadoona howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka socdeen gudaha magaaladaasi.