Muqdisho (Sh M Network)—Waxaa Caawa Magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Garsooreyaasha Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cismaan Jaamac Diraac, kana mid ah Garsooreyaasha Kubadda Cagta ayaa dabley hubeysnaa waxey ku toogteen Xaafada Xamar Bile ee Degmada Wardhiigleey.

Goobjooge diidan in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle dilka Garsooraha.

Waxaa uu sheegay in raggii ka dambeeyay falkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaasi ka dhacay Magaalada Muqdisho.