Muqdisho (Sh M Network)— Kooxo hubeysan ayaa Haweeney waxey mu dileen Duleedka Muqdisho.

Dilka haweeneydan ayaa waxuu ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee Duleedka Muqdisho.

Guddoomiye Ku xigeenka amniga ee Maamulka Degaanka Garasbaaleey, Cali Xasan Cali ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in haweeneydaasi ay dileen Kooxo hubeysan.

Waxaa uu sheegay in haweeneydan ay shaax ku iibin jirtay Degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahin

Kooxihii ka dambeeyay filkaasi ayaa isaga baxsaday .

Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka haweeneydaasi.