Muqdisho ( Sh. M. Network )-Allaha u naxariistee waxaa Barqanimadii maanta degmada Hodan ee gobolka Banaadir lagu dilay Nabadoon Axmed Cabdulle Jaamac oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Nabadoonka ay ku dhawaaceen Xaafadda Taleex ee degmadaasi, balse markii dambe uu ku Geeriyooday Isbitaalka Digfeer oo dhaawac ahaan loo geeyay.

Ehellada Marxuumka ayaa Shabelle u xaqiijiyay Geerida Nabadoon Nabadoon Axmed Cabdulle Jaamac oo ka mid ahaa Nabadoonada ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Waxaana lagu soo warramayaa in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ku saabsan dilkaasi.

M/Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.