Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilal Xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Illaa 3 ruux oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in lagu dilay Nawaaxiga Jaamacaddii Gaheyr ee degmadaasi.

Mid ka mid ah 3-daasi ruux ayaa la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay Misaajid ku yaalla Xaafadaasi.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in Saakay ay ku soo waabariisteen dilalkaasi.

Waxaana ay sheegeen in Marxuumintaasi ay isugu jireen Askar iyo dad kale u shaqeynayay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa in saakay howlgallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan dilalkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Deyniile ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, iyadoona Habeen ka hor uu ka dhacay qarax khasaaro geystay oo la sheegay in lagu diyaarinayay Guri ku yaalla Xaafadda Oodweyne ee degmadaasi