Muqdisho ( Sh. M.  Network):-Illaa 8 Caruur ah ayaa lagu soo warramayaa in Cudurka Shuban Biyoodka ay ugu Geeriyoodeen Kaam Barakac oo ku yaalla degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Caruurtaasi beryihii dambe ay kaamkaasi ku yaalla degmada Kaxda kula ildarnaayeen Xanuunka Shuban Biyoodka haatanna ay jiraan tiro Caruur kale oo xanuunkaasi la ildaran sida mid ka mid ah Horjoogayaasha Kaamamka degmada Kaxda Shabelle u xaqiijisay.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa xaalado Nololeed laga soo sheegayay dadka ku nool Kaamamka Barakacayaasha ee ku nool degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhowr jeer booqday Xeryaha Barakacayaasha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.