Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro Madaafiic ah oo Duhurnimadii maanta lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 9 Hoobiye ayaa la sheegay in ay ku soo dhaceen Xaafado ka tirsan degmadaasi.

Labo ka mid ah Hoobiyeyaashaasi ayaa ku dhacay Maktabadii Xisbiga oo hadda fariisin u ah Ciidamo ka tirsan kuwa DFS, halka 2 kalena ay ku dhaceen nawaaxiga Baar ayaan ee degmadaasi.

Sidoo kale xaruntii hore ee Gadiidka Nabad Sugida ayaa la sheegay in gudaheeda iyo nawaaxigeeda ay ku dhaceen illee 4 Hoobiye, halkaas oo haatan ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Waxaana lagu soo warramayaa in halkaasi uu ku dhintay Canug yar, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 Qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Xerada AMISOM ee ku taalla Isbartiibada ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku dhacay hal Hoobiye.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.