Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegay in cudurka Shuban Biyoodka uu ka dilaacay degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabdi Fiidow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in degmadaasi saacadihii la soo dhaafay ay cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyoodeen ku dhawaad 10 Qof.

Waxaana uu intaasi ku daray guddoomiyuhu in tiro kale ay la jiifaan Isbitaalada cudurkaasi.

Guddoomiye Fidow ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle iyo dowladda dhexe in loo soo garmado dadkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.