Muqdisho ( Sh. M. Network )-Illaa iyo 86 Arday oo muddo 1 sano ah wax ka baranayay xarunta Kalset Academy ayaa maanta xaflad qalin jabin ah loogu qabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Munaasabad aad loo soo agaasimay oo Ardaydaasi Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay ayaa waxaa ka qeybgalay, Macalimiin, Arday, Waalidiin, Maamullada faracyada Kalset Academy iyo marti sharaf kale.

Ustaad Maxamed Maxamuud Keynaan maamulaha guud ee Kalset Academy oo munaasabadda markii ay soo idlaatay la hadlay Idaacadda Shabeelle ayaa sheegay in Ardaydani ay ka qalin badasheen Luqadda English-ka.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in dufcadani ay tahay tii 5-aad oo ka qalin jabisa Kalset Academy.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.